Shaqaa ku socoto qeybta wax galint, raali noqda



[ ] [ ]
[ ] [ ]

Raadi y:

: Thu 05/24/07 7:04PM
: Maxammed hassan
: somalij12@hotmail.com

: ASC, Xalka soomaaliyeed waxuu ku jiraa Kitaabka aale. Waxaana hormuud u ahaa Maxkamaddaha Ilaaheey ha daryeelo sheeg shariifka maxkamadaha & xulafadiisa maxkamaddaha.


Nin la sheegay in imika loosoo magacaabay in uu Maraykanka u matalo Soomaaliya ayaa saacadihii ugu horeeyeyba ku hadlay in ciidamadii Ugandha ee duulaanka ahaa oo 4 ka mid ah todobaadkan qarax lala beegsaday ay qayb ka ahayd falalka Ururka uu hogaamiyo Bin Ladin ee Al-qaacida.

Isaga oo umuurtaa ka hadlaya waqti uu joogay Nairobi ayuu yidhi "Maraykanku arintaa aad bay u argagax gelisay" - waxa uu tilmaamayay in dagaaladii Xoogaga Iska caabinta ee fool ka fool ka ahaa oo dhamaaday aysan macnaheedu ahayn in Dowladaha isu garba qabtay Soomaaliya ee Itoobiya, Ugandha iyo Kenya ay danahooda u gaarka ah ka gaari doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Ugandha ee Dulaanka ah ayaa 4 Askari laga dilay kadib markii baaruuda qaraxda dhulka loogu aasay, Xoogaga Iska caabinta Soomaaliya ayaa qoraal dheer oo ay soo saareen ku sheegay isal todobaadkan in aysan wax farqi ah u dhaxayn cid walba oo ka tarsin dalalka Soomaaliay isugarba qabatay iyo kuwa la shaqaynaya ee midabkeena oo kale leh.

Qoraalkan oo aad u dheeraa ayay ku cadeeyeen in cidkasta oo dalalkaa ku jirta iyo Soomaalida la socota ay ciqaab xanuun badan mutaysan doonaan.

Waxaanu imika ka shaqaynaynaa buu yidhi "sidii dhamaan dalka Soomaaliya ay oga hirgeli lahayd xabad joojin waarta, gaar ahaan ciidamadda Itoobiya iyo q*****ka Hawiyaha"

Baroorta Dowladda Ugandha.

War ay soo saartay dowladda Kambala ayaa lagu sheegay welwelka ay qabaan ee ku aadan Xoogaga Iska Caabinta oo imika bilaabay in ay bar-tilmaameed ka dhigtaan Askartooda gardaradda kusoo galay Soomaaliya, arintan oo ay ku tilmaameen in aysan waxba ka bedeli doonin go'aankii ay sandareertadda ku qaateen ee ay ku tageen gudaha dalka Soomaaliya.

Garbaduub Loo Dhanyahay.

Soomaali badan ayaa u haysatay in kuwa dagaalka kula jira dalkeena iyo dadkeena ay yihiin dunida reer galbeedka oo keliya, laakiin waxaa soo baxaya beryahan dambe, gaar ahaan todobaadyadii ugu dambeeyey in dagaalka ugu badan uu Soomaalida oga imanayo Afrikadda madoow oo Soomaali badani ay u haysteen in ay xabiibkayaga yihiin.

Hadaad dib u fiiriso todobaadkii lasoo dhaafay Idaacaddaha Afafka Qalaad ee Biritishka waxa ay ka hadlayeen Soomaaliya, dhamaan hogaamiyayashii afrikaanka ee halkaa ka hadlayay waxa ay isku raaceen in Soomaaliya inta ay sheeganayso laba arimood ay weligeed sidaa u garba duubnaanayso..

Diinta Islaamka: Inta ay sheeganayaan in ay 100% Muslim yihiin islamarkaana ay doonayaan in Islaamka isku maamulaan waxa ay ahaanayaan sida ay imika yihiin, afrika oo dhana waa in ay usoo gurmataa inta aysan taasi dhicin.
Soomaali Weyn; Inta ay leeyihiin dhul baa naga maqan aan hayan kan ay hada joogaan, oo ay sheeganayaan dhul ka tirsan Kenya & Itoobiya, iyaddna sidaa ay imika yihiin un by ahaan doonaan.
Doodahan iyo waraysiyaddan waxaa ka qayb qaadanayay rag badan oo aad caan oga ah Soomaaliya sida Alpha Omar Komari, Kiblagat iyo kuwa kale oo farabadan, Aragtidan ayaa la odhan karwaa waa mid ay ka simanyihiin, hadii aad xusuusataan Moi ayaa maalmihii uu ka degayay kursiga ka sheegay Washington intaa ay imika dunida u sheegeen ragaa...

Soomaalidii Oo La Loodiin Kari Waayay

Illahay ha barakeeyo Soomaaliya & Soomaalida, tan iyo burburkii oo haatan laga joogo 16 Sanadood, waxa ay reer galbeedku meel dhow iyo meel dheerba ufuuleen sidii ay u beeli lahaeyeen dadka Soomaaliyeed oo ugu yaraan looga heli lahaa Xoogaa Kiristaan ah, ama qaar aan diinba haysan, arintaasise waxa ay umuuqataa in lagu guul daraystay.

Tusaale; Afti laga qaaday Dugsiyadda Minneapolis ayaa lagu waydiiyay Ardayda bal wixii ay samayn lahaayeen hadii ay ku gulaystaan Qamaar, oo ay lacago farabadan helaan...

Spanish; Waxa ay yidhaahdeen waxaan maal gashi ku samayn doonaa dalkan Maraykanka.
Cadaanka; Waxa ay yidhaahdeen waxaan u bixi lahayn dalxiis iyo tamashle, waxaan maalmo soo joogi lahayn Jaziiradaha dhaca Laatin America.
Soomaalida; Waxaan aadi lahayn Aqalkeena, Macalinkii Aftidan sharaxayay waxa uu yidhi "Ardayda Soomaalida waxa ay yidhaahdeen waxaan aadaynaa Aqalkeenii "WE GO HOME", ma aysan dhihin buu yidhi waxaan aadaynaa Somalia, qofkii dhab u fiiriya waa auu garan karaa farqiga u dhexeeya.
Aftidan ayaa lagu ogaaday in dadka Soomaaliyeed ee caruurta u badan ay dib ugu laabanayan waqti walba oo wax un naba du eg ay ka suurtagalaan dalkoodii hooyo Soomaaliya. Laakiin waxaa is-waydiin leh maxaa ka yaabiyay reer galbeedka oo ay aad oga biyo diideen, adiguba waad garankartaayoo dadaalkoodii ayaa noqday "Halbacad lagu lisay"..

Maxaa Dabayaal?

hadii aad Quraanka si wanaagsan u akhrido waxaad ku arki doontaa Dhowr arimood oo muhim ah;

Khayr Baa Dabayaal; hadii ay dhibaato timaado Illahay waxa uu noo sheegay in taasi ay wanaag iyo khayr xagga dambe ku sidato, walow ujeedada wayni ay tahay hadba sida ay aadanaha dhibaatadaasi haleeshay wax isaga bedelaan... tanoo uu rabbiga wayni ku balan qaaday in hadii aan is-bedelno oo weliba aanu isaga xigsano uu na gargaari doono.
Illahay waxa uu oranayaa suuradda Al-Towbah "Hadii Illahay qalbigiina wax un khayr ah ku ogaan lahaa, adinna khayr buu idin siin lahaa" oo macanaheedu yahay hadii aad khayrkaa arki waydaan adinkii baan khayr lahayn.

: Thu 05/24/07 9:11PM
: Amina xuseen abdi
: Amina21@yahoo.com

: Walaal xalka soomaaliyeed waxuu ku jiraa qofkasta oo soo maali ah oo eey daacad ka tahay 100% in uu jecelyahay dalkiisa hooyo.

Maxkamamadaha mida kaliye oo aan fikrad ahaan aan ku jeclahay waxa weeye in eey isku keeneen shacabka soo maaliyeed iyagoo u maray meesha kaliya oo maanta na mideynkarto in eey Tahay kitaabk ALLE, in aan raacno & sunadda nabiga, "SWC".

Bal u fiirso waxaan nahay isku midab, isku dhaqan, isku diin, laakiin mida kaliya een na kala saareyso waa, waxaa la yiraahdo q***** oo aan aniga aaminsanahay in uu yahay wax xun,

Xalka Dalka dalka hooyo waa kitaaba in la qaato siduu inoo wada mideeyo

Best Regards
Amina/Oslo

: Fri 05/25/07 1:41AM
: Muxumad Abdi jiinoow
: Jiinoow254@hotmail.com

: Insha allaah,I hope THE UNION OF ISLAMIC will come back the real Somalians The real heroes the real Brothers

As Somalis today we are homeless but not hopeless, let us forget the past and solve the problems of today nations go forward, never backward. Thus we somalis have to think forward for the benefit of our coumtry. Away from Somalia we all become Somalis struggling to survive, we must not think in terms of clans or subclans,if we think so where we are? Our people are poor and also tired of the endless civil war and have so many needs. We have to keep and save our dignity, national identity, for the sake of our children. Our problem today is not the guns or the tribes, but those who are in control

Wabilaaha towfiiq
Jiinoow/South Africa

: Wed 05/30/07 2:05AM
: Ibraahim C/qaadir Calinuur
: Xaniifa77@yahoo.com

: Kooxda Mbegathi & Kadeedka Ummadda.

haddaan waayey Soomaalidoo wada midoo ii mashxaradeysa,miyaan waayey Madfacii Meyle iyo maato la xasuuqo,haddaan waayey Muslimintii Somaali iyo mahurtadii Carabta,miyaan waayey Gaal macatabloo ii muraad qumiya,hadaan waayey madaxweynanimo iyo maamul hana qaaday,miyaan waayey maleeshiyo toliyo maamul goboleedka.by:Sh. Ibraahim C/qaadir (Abuu Xaniifa)


Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sebenkii Daraawiishta ku gabyey

“ haddaan waayey calan la ii nashiro tan iyo Nairobi”

“Miyaan waayey Nuurkii Alliyo Nabiga jaahiisa”.

Cabdullaahi Yuusuf oo gabaygii Sayidka soo xigtay ayaa yiri:

“Mar haddaan waayey Soomaali mideysanoo ii mashxaradeysa”

“Ma waxaan waayey Madfacii Meyle iyo maato la xasuuqo”

“Mar haddaan waayey Muslimintii Somaali iyo mahurtadii Carabta”

“Ma waxaan waayey Gaal macatab leh iyo manaxe ii muraad qumiya”

“Mar haddaan waayey Madaxweyne Soomaali iyo Maamul hanaqaaday”

“Ma waxaan waayey Maleeshiyada reer tolkey iyo Maamul Goboleedkii”





Taarikhda waxaa laga bartaa taxanaha isdaba jooga ee dunidu soo martay. Taarikhdu waxay kala huftaa: halyeeyga iyo habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo buqaylka, waddaniga iyo qaa'inka iyo sifaalaha kalee soo raaca. Taarikhda Islaamka waxaa ku xusan geesiyaal naftooda u huray hirgelinta diinta Islaamka iyo rag qeyb libaax ka qaatay fidintaanka diinta. Afarta iimaan ee mad-habaha ka sokow, waxaa ka mid ah: Bukhaari, Nawawi, Daariq bin Siyaad iyo culumo kaloo aan halkan lagu soo koobi karin. Sidoo kale waddamada reer Yurub waxaa ka soo dhexbaxay geesiyaal taallooyin loo dhisay iyo aqoonyahanno lagu abaalmariyey billadda Noble. Ayaandaaro taarikhda Somaaliya waa mid liddi ku ah nidaamka dadka lagu qiimeeyo ee adduunweynaha ka jirta.



Halyeeyga iyo habacsanaha, geesiga iyo fuleyga, deeqsiga iyo buqaylka, waddaniga iyo qaa'inka, waxa qura ee lagu kala saaro waa nin reer hebel ah. Halyeeygii horumarka dalka hirgeliyey iyo habacsanihii gumeysiga u hindiwaasay, nin kasta waxa uu bulshada ka mudan yahay laguma abaalmariyo, xataa manaahiijta dugsiyada laguma qoro oo ardayda lama baro hoggaamiye kasta taarikhdiisa iskudhafan, ammaan iyo dhaliilba. Tusaale: Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah geesi gumeysidiid ah iyo Maxamed Dheere oo meel fagaare ah ka yiri “Ciidanka Xabashida ee shacabka xasuuqaya biyaha iyo caanaha ayaan ka dabaqaadeynaa, dhaawacoodana waan baanineynaa”. Sida dhaqanka Somaalidu yahay, Sheekh Shariif iyo Maxamed Dheere markay tolka dhex joogaan waa laba nin oo Harti Abgaal ah, oo waxba isma dheera



Hoggaamiyaasha daafaha dunida ku baahsan, intooda badan ilaa xad waxay ku dadaalaan, si ay ku hantaan kalsoonida shacabka ay madaxda u yihiin inay hormariyaan: kaabayaasha dhaqaalaha, adeegga bulshada, waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada iyo wixii soo raaca. Taasi beddelkeeda hoggaamiyaashii majaraha u qabtay maamulka Somaaliya intood badan waxay ku dadaaleen oo ay meelmariyeen: dil-dhaca-kufsi iyo gaboodfal kastoo liddi ku ah xuquuqda shacabka. Waxa laga faano ayaa nin ku faanaa, mas'uul madaxweyne sheeganaya ayaa had jeer ku faana xasuuqa shacabka tabaaleysan.



Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxaa halhays u ahaan jirtay (Maxaa wacay iyo Kacaanka libineed) wasiirkii aan halhays ka dhigan labadaas eray, wuxuu waayi jiray xilkiisa oo waxaa lagu sunti jiray Kacaan-diid. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf waxaa halhays u ah (dadka anigaa ugu hub badan iyo dagaallada sokeeye anigaa billaabay iyo waxaan xariif ku ahay sida dadka loo laayo). Wasiirada Cabdullaahi Yuusuf ninkii aan halhays ka dhigan erayada ku wajahan xasuuqa shacabka, xilkiisu qilqiil buu ku jiraa, taasina waxay keentay in wasiir kasta ku hadaaqo waa in shacabka argagaxisada ah la xasuuqaa. Bal isweydii sidee baa shacab dhan argagaxiso ku wada noqday? “Xasuuqa shacabku waa xisaab qoran” Bal u fiirso erayada ka soo burqanaya: (Sheekh Aadan Madoobe, Cali Maxamed Geeddi, Maxamed Gacmadheere, Salaad Cali Jeelle, Qanyare & Qeybdiid iyo Cawil Dhiigsokeeye oo ah Taliyaha ilaalada Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kaloo ka mid ah haykalka dowladda Mbegathi).. Fircoon ayaa sixiroleyaashiisii ku yiri "haddii aad nabi Muuse ka guuleysataan, waxaad ahaanaysaan kuwo aad iigu dhow". Sidaas oo kale Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu kooxdiisa ku yiri "ninka dadka ugu layn og ayaa gacanteyda midig noqonaya" Baaqaas si firfircoon ayaa loo hirgeliyey oo waxaa loo tartamey xasuuqa shacabka.. Wadaad werdi raatib ah uruurinaya oo markii la yabooho CASHARA-10-, inta tusbaxa roga yiraah Megen Alle oo kale ayaa xarunta Madaxtooyada maanta ka jirta oo Cawil Dhiigsokeeye oo ah taliyaha Koofiyadcasta iyo Xuseen Idamaal oo ah afhayeenka Cabdullaahi Yuusuf ayaa tiriya dadka maalin kasta la laayo oo sida wadaadkii oo kale tusbaxa u roga. Hadallada Cabdullaahi Yuusuf malaha waxay ka turjumayaan gabay abwaan xigmaawi ah tiriyey oo leh “Ma ogtahay degmayada cudurrada dilaagaa waa lagu ducaystaa.. Ma ogtahay degmayada dibida iyo weylaha dameerahaa inoo dhala”



Kooxda Mebaghaati yaa abuuray? Somaalise ma yihiin? Maxaadse ka taqaan taarikh nololeedkooda? Su'aallahaan jawaabtoodu waa mid Somaali oo dhan u furan, balse dhowr ka mid ah aan maqaalkan si kooban ugu xuso:



Kornayl Cabdullaahi Yuusuf:



Xilligii dagaalkii qaboobaa, hay'adihii sirdoonka (CIA iyo KGB) waxaa ka dhex socotay basaasnimo iyo isqaarijin xad-dhaaf ah. KGB waxay ku guuleysatay inay si hoose u disho (a**isination) sarkaal CIA, kun beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eg oo KGB ah. Sidaas oo kale CIA iyaduna waxay ku guuleysatay inay disho sarkaal KGB ah, kuna beddesho nin muuqaal ahaan aad ugu eg oo CIA ah. Xabashidu waa dowlad facweyn oo xadaarad fog leh, waxaana suurtagal ah inay isticmaashay nidaamka KGB & CIA. Waxaa muuqata Sirdoonka Xabashidu inuu 1960-yadii diley sarkaalkii la oran jiray Cabdullaahi Yuusuf kadibna lagu beddeley sarkaal muuqaal ahaan u eg oo laga keenay gobolka Shawo, sababtoo ah nin dhiig Somaaliyeed ku jirao uma dhaqmeen habka ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf oo aan is leeyahay waa (copy) u dhaqmo. 1980-yadii ayaa shacabka reer Iiraan waxay aad ula yaabeen naxariisdarrada Ayatullaahi Khowmeyne, kadibana saxafi reer Iiraan ah ayaa wargeys ku qoray, ninkii Khowmeyni la oran jiray waa hore ayuu dhintay ee Khowmeyniga maanta na laynaya waa nin KGB ay ka keentay gobolka Tashkanti oo loo ekeysiiyey Khowmeynigii reer Iiraan. Hubaal Cabdullaahi Yuusufka maanta waa Amxaar loo ekeysiiyey Cabdullaahi Yuusufkii Somaaliga ahaa.



Sheekh Aadan Madoobe:



Marka laga reebo Ambiyadii Alle doortay, laga soo billaabo Nabruud iyo Fircoon, madaxda waddamada adduunweynaha, inta badan 90% waxay ku tiirsan yihiin Kuhaan iyo Sixir. Boqor Xayle Salaalse wuxuu safka hore uga jiray madaxdii xukunka ku raagtay oo 41 sano ayuu ahaa boqor aan laga daba hadlin. Qadarta Eebbe ka sokow, sababtii Xayle Salaase xukunka ugu raagay waxaa loo aaneeyaa kuhaankii iyo ducadii Sheekh Cumar Azhari (Somaali) la garab istaagay saaxiibki boqor Xayle Salaase.



1991kii markii kooxda Tigree ay la wareegeen xukunka Itoobiya, Meles Zanawi wuxuu ku hamiyey inuu xukunka haysto ilaa geeridiisa. Si riyadiisu ku hirgasho Sixirooleyaasha Itoobiya wuxuu ka doondoonay nin ku xeeldheer hawlaha kuhaanada (faalka iyo fellega). Itoobiyaankii aqoonta durugsan u lahaa sixirka, waxay Meles Zenawi u sheegeen Sheekh Cumar Azhari inuu suurtageliyey xukun ku waaristii boqor Xayle Salaase. Sidaas awgeed waxay kula taliyeen inuu guud ahaan sinjiga Somaalida, gaar ahaan faracii Sheekh Cumar Azhari ka raadiyo nin ku xeeldheer hawlaha kuhaannada.



Meles Zenawi oo fulinaya taladii sixiroleyaasha Itoobiya, wuxuu u yeeray Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo ah horjoogaha kooxda Tabcane Tigree, wuxuuna u sharraxay taladii kuhaannada, kadibna wuxuu ka codsaday inuu degdeg ugu keeno carruurtii Sheekh Cumar Azhari wiilkii bartay sixirka ee dhaxlay kutubtii Asaraarta. Kornayl Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ugu jawaabay carruurtii Sheekh Cumar Azhari, Dr Yuusuf Cumar Azhari kaliya ayaa ka bartay cilmiga sixirka oo dhaxlay kutubtii kuhaannada, isaguna aniga ayuu la-taliye ii yahay oo waa gacanteyda midig, asaraarta Dr Yuusuf la’aanteedna ma shaqeyn karo, balse dadka ku nool dhulka Koofur-Galbeed ka xiga Afgooye ayaa aad u yaqaan cilmiga sixirka, halkaas ayaan kaga raadinayaa nin ku xeeldheer cilmiga sixirka.



Kornayl Cabdullaahi Yuuusf wuxuu si fudud ku helay Sheekh Aadan Madoobe oo ah xeeldheere ku taqasusay cilmiga sixirka. Sheekh Aadan Madoobe yaraantisii waxaa lagu magacaabi jiray Aadan Faaldhaw, markuu weynaaday oo lala yaabay indhasarcaadkiisa waxaa lagu magacaabay Shaydaan Madoobe. Sheekh Aadan Madoobe markii loo geeyey Meles Zenawi oo la imtixaamay waxaa lala yaabay burhaantiisa, wuxuuna noqday ninka ugu dhow sixiroleyaasha ku meersan Meles Zanawi. Sheekh Aadan Madoobe wuxuu Meles Zanawi u sheegay madaxtinimadiisu inay ku egtahay maalinta dowlad ay ka dhalato Somaaliya, wuxuuna ka dhaadhiciyey maalinta dowlad Somaaliyeed oo xor ka ah Itoobiya ay hanaqaado inuu godkiisa qoto oo karfantiisa tosho. Meles Zanawi subax kasta inta uusan quraacan wuxuu telefoon u soo diraa Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna weydiiyaa wixii uu yeeli lahaa maalintaas. Sida qaalibka ah Sheekh Aadan Madoobe wuxuu saaxiibki Meles Zanawi kula taliyaa maalin kasta inuu dhiig Somaaliyeed daadiyo, sidaas inay dowladda Tigree ku badbaadi karto, talada Shaydaan Madoobena sida ay tahay ayaa loo fuliyaa.



Prof Cali Maxamed Geeddi:



Jabhadii xoreynta Eretereya si ay ugu guuleysato dagaalkii ay kula jirtay gumeystaha Xabashida, waxay abuurtay jabhaddii xoreynta Tigree. Afewarke oo halgan dheer u soo galay madaxweynaha Eretereya ayaa Somaaliya keenay Meles Zenawi kana wasteeyey oo isku xiray isaga iyo madaxdii Somaaliya. Dowladdii Somaaliya hub ay ka soo iibsatay Shiinaha oo dekadda Berbera ka soo degay ayaa la siiyey jabhadii (TPLF) ee Meles Zenawi guddoomiyaha ka ahaan jiray. Xubnihii TPLF ee Somaaliya joogay dhaqdhaqaaqooda waxaa lagu jaaday koox NSS ah oo madax looga dhigay Kornayl Maxamed Geeddi. Mariidka ama waabayda waxaa ugu khatarsan timo la tag ama seddax saamoodley. Qofka lagu dhufto mariidka halista ah seddax tallaabo kadib waa dhintaa timuhuna waa ka bidaan. Kornayl Maxamed Geeddi oo ka mid ahaa raggii ku marqaati furay Salaad Gabeyre Kadiye, wuxuu ahaa nin ku xeeldheer basaasnimada, qof uu qaniinayna seddax maalmood ka badan ma noolaan..



Maadaama Maxamed Geeddi ahaa xiriiriyaha jabhadda TPLF iyo taliyaha NSSta, waxaa isbartay Meles Zenawi iyo Cali Maxamed Geeddi oo noqday saaxiib far iyo faraati ah. Cali Maxamed Geeddi oo isaga laftiisa loo qoray adeege dahsoon (NSS) oo ka soo warbixiya ardayda jaamacadda, waxaa loo xilsaaray inuu soo ballamiyo guryaha raaxda ee Meles Zenawi u tumasho tago. Burburkii Somaaliya kadib reer Maxamed Geeddi waxay u guureen Adis Ababa, saaxiibkood Meles Zenawi ma noqon abaallaawe ku wacadfuray abaalkii reer Maxamed Geeddi u galeen sanadihii jabhadda TPLF ay Xamar joogtay. Si fiican ayuu u soo dhoweeyey, reer Maxamed Geeddina wuxuu dejiyey guri qasri weyn ah oo Adis Ababa ka tilmaaman. Prof Cali Maxamed Geeddi magaca Itoobiya wuxuu hay'adaha calamiga ah uga helay jago sare oo qaabilsan xoolaha Geeska Afrika, kadibna si loo cuuryaamiyo dhaqaalaha Somaaliya oo xoolaha nool ay lafdhabar u yihiin, Cali wuxuu qoray warbixin uu ku qeexay in xoolaha Somaaliya ay qabaan cudurro halis ah oo Xumadda Rift Valey ay ka mid tahay. Warbixin Prof Cali qoray waxay keentay in cunaqabateyn lagu soo rogo ganacsiga xoolaha Somaaliya. Warbixinta Cali qoray waxaa kaloo loogu dowgalay xoolaha Somaalida in lagu dhoofiyo magaca Itoobiya.



Prof Cali oo qaamuuskiisa aysan ku jirin MAYA iyo dullinimadaas Somaaliya ma qaadan karto, Meles Zenawi aad buu ugu bogay dhego fudaydka Prof Cali wuxuuna u dallacsiiyey Barasaab ku-xigeenka Somaaliya oo loo qorsheeyey inay noqoto Kilinka 6aad ee Itoobiya. Prof Cali wuxuu noqday nin jilicsan oo aad u karti yar, baxaadegga siyaasaddana aan beydna ka aqoon, wuxuuna ku guuldarreystay hawlahii Meles Zenawi u xilsaaray oo ahaa in Somaaliya ay noqoto gobol 6aad ee Itoobiya. Xan hoose oo ilo xog-ogaal ah laga helay waxay tibaaxaysaa, Meles Zenawi inuu dibinta qaniinsan yahay oo ku calaacalayo bal maxaa doqonkaan micida dheer i baray.



Nin ugaarsade ah ayaa dabino dhigtay, maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jiray. Maalintii dambe dabinkii waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi arkin, waa xayawaan aad u yar balse qurxoon. Ugaarsadihii wuxuu go'aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta lugood ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka horyimaadba wuxuu weydiiyaa magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo wuxuu ku yiri, waxaa la yiraah mukulaal, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah bisad, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah yaanyuur, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah dinad, qof kale ayaa ku yiri basho, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah curre, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah shaambi, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah durmad, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay. Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuu is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii adduunka ugu qaalsana oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo gorofta cayrta tuurtay. Markii uu tegay suuuqii magaalada waa lagu qoslay oo waxaa lagu yiri xayawaanka aad sidataa lama iibiyo waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku tuuray wuxuuna yiri magacyo badanaa oo manaafacaad la'aa. Markii hore Meles Zenawi saaxiibtinimada Cali Geeddi waa ku farxay, oo wuxuu niyadda gashtay, waxaad heshay Prof Cali oo Hawiye ah oo ka sii ah Abgaal oo u badan deegaanka Banaadir, maanta ayey ku toostay oo qorshahii aad Somaaliya ka lahayd ku meelmaray, balse sida ugaarsadaha oo kale Meles Zenawi wuxuu ku calaacalay Prof fanax leh barako yaraa, belaayo qabahaan waan ku sirmay, magac qurxoon oo muunad yaraa.



Maxamed Gacmadheere:



Anigu waxaan deganahay xaafadda Huriwaa waxaan u soo shaqo tagaa goob ganacsi oo aan ku leeyahay suuqa Bakaaraha. Intaan jidka ku soo socdo, dad tiro badan ayaa wax iga weydiiyaan Maxamed Gacmadheere. Su'aallahooda waxaa u badan, nin reer Xaaji Suleymaan inuu sidaas u hadlo oo noqdo daciif kaba qaad ah taarikhda laguma aqoon ee sidee bey ku dhacday? Ma waallan yahay ninku? Maxaa ka qaldan? Gacmadheer miyaanuu reer Xaaji Suleymaan ahayn? Jawaab kooban, Maxamed Gacmadheere farac iyo tagoog midna kuma nasab sheegto, umana dhalan reer Xaaji Suleymaan. Qiyaastii 1950kii, sanad gobollada dhexe caan ka ah oo loo yiqiin Gugii Roobkii Gabalqariye, xeebta Hobyo waxaa ku jabtay doon ay wateen dad reer Sirilaanka ah. Wixii qaraqmay mooyee, dad iyo duunyo wixii ka badbaaday waxaa bililiqeystay oo qeybsaday reer Hobyo. Somaalidu geela iyo ragga aad bey u jeceshahay, waxayna ku maahmaahdaa "rag xalaala iyo geel xalaala midna xero lagama buuxiyo".. Sheekh Maxamuud Guuleed Gacmadheere oo ahaa Qaadigii Hobyo oo waagaas wiilashu ku yaraayeen ayaa qeyb uga helay dadkii doonta ka samatabaxay wiil kuray ah oo dadiisu ahayd 10 sano jir. Sheekh Maxamuud wiilkii Sirilaanka ahaa wuxuu ugu waqlalay Maxamed, si fiican ayuu u koriyey waxna u baray wuxuuna ka mid noqday carruurtiisa. Wiilkii doonta laga helay yaraantiisii waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Sirilaanka, balse Sheekh Maxamuud intii uusan xijaaban wuxuu ka dardaarmay in laga daayo naaneysta Sirilaanka, sidaas ayuu ugu milmay reer Xaaji Suleymaan.



Murti baa waxay leedahay "Soo seexis waa sinji dhaan".. “Soo seexis sixirow ka daran” "Ninba inta hilibkiisu ku jiro ayaa hiilkiisu ku jiraa"… "Sidig seedo ma leefto"... Maxamed Sirilaanka beeshii uu magaceeda mansabka ku helay inuu yiraah waa argagaxiso ee hala xasuuqo waa mucjiso maanka fayow diidan yahay. Xabaddu dadka ma wada haleesho oo waxbaa ka fakada, laakiin gaajadu hambo ma reebto. Madaafiicdii Madaxtooyada laga riday firxadkii ka fakaday oo silica iyo darxum geedaha la jiifa, Maxamed Sirilaanka inuu isbaaro u dhigto macaawinadii loo weday waa xaasidnimo ka baxsan aadaminimada waxayna caddeynaysaa bal iska daa reer Xaaji Suleymaan ee inuusan u dhalan sinjiga Somaaliyeed. Maxamed Sirilaanka wuxuu ku andacooday in hay'aduhu keeneen raashin dhacay ee arrintaas maxaa ka jira?



Sideedaba raashinku hadduu dhaco sun ma noqdo ee waxaa yaraata nafaqada ku jirta. Taarikhiyan Somaalidu waxay weligeed cuni jirtay badar bakaar ku raagay, caano dhowr bilood la dhiteeyey oo dhanaan noqday, wax cudur ahna lagama qaadi jirin. 16kii sano ee dowlad la'aanta (Ganacsatada & Hay'aduhuba) waxay dalka keenayeen raashin iyo daawo dhacday, qof ku sumoomey oo ku dhinteyna ma jiro haba yaraatee. Ka rog oo laba saar ! Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku dhacay? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan (Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology) soo bartay waa kuma? Su'aashaan jawaabteeda waxaa laga rabaa Maxamed Sirilaanka.



Bal aan dib u jaleecno taarikhda waxbarashada Somaaliya. Gobollada woqooyi ardaygii ugu horreeyey ee waxbarasho jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Tuur. Gobollada Koofurna ardaygii ugu horreeyey ee waxbarasho jaamacadeed loo diro wuxuu ahaa Cilmi Axmed Ducaale oo hadda ah wakiilka kooxda Mbegathi u jooga Qaramada Midoobay. Arday Somaaliyeed oo hadda ka hor soo bartay cilimiga (Toxicology) ma jirin, sababtoo ah wax baahi dalku uma qabin, taas waxaa daliil u ah, dowladdii Jeneraal Maxamed Siyaad, baarista tayada raashinka & daawada waxay u xilsaartay oo qandaraas kula gashay shirkad Switzerland ah.



Nin telefoon iiga soo diray Yurub wuxuu ii sheegay koox aqoonyahanno ah oo ka damqatay darxumadii dalka ka dhacday, gaar ahaan xasuuqii Xamar, inay Gal-dacwadeed ka fureen Maxkamadda Heyg ee qaabilsan dembiyada dagaalka. Dacwadu waxay liddi ku tahay guud ahaan kooxda Mbegathi, gaar ahaan shaqsiyaadka haysta Basaboorada Ajnebiga, dadka la dacweeyey waxaa ugu horreeya:

1..Maxamed Gacmadheere (Wasiirka Gudaha) oo haysta UK Pa**port
2..Cabdullaahi Cali Cumar (Taliyaha XDS) oo haysta UK Pa**port
3. Maxamed Darwiish (Taliyaha NSSta) oo haysta UK Pa**port
4. Xuseen Idamaal Maxamuud (Afhayeenka) oo haysta UK Pa**port
5.. Rag kaloo tiro badan, kuwaasoo dembiyo culus dalka ka galay.



Haddaba Wasiirka Gudaha ee kooxda Mbegathi Maxamed Sirilanka waxaa looga baahan yahay inuu Maxkamada Heyg (Holland) horkeeno (Toxicolgist) sun-yaqaanka caddeeyey inaan raashinka la cuni karin, haddii kale waxaa caddaan doonta dhiigiisa inaan dhibac Somaalinimo ku jirin. Mar kale aan daliil cad oo la cuskan karo u keeno Maxamed Sirilaanka inuusan dhalasho ahaan Somaali ahayn. 1978 Heshiiskii (Camp David) ee lagu iibiyey qaddiyadda xoreynta reer Falastiin, dhanka Carabta waxaa u saxiixay Anwar Al-Sadaad. Heshiiskaasi walaac iyo niyadxumo ayuu ka abuuray guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan Carabta waddaniyiinta ah. Sheekh Kishki ayaa la weydiiyey xukunka lagu qaadi karo Anwar Sadaad. Sheekh Kishki wuxuu yiri, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo aqoonta diintu ku yar tahay ayaa fahmey inaan haba yaraatee wax xiriir ah lala yeelan karin Yuhuudda Alle nacladay ee sidee baa Anwar Sadaad oo ka soo jeeday Faraaciintii 7da qarni ee ilbaxnimada ah lahayd u aaminay Yuhuud oo heshiis u la soo saxiixday. Sheekh Kishki wuxuu yiri Anwar Sadaad waa malcuun ka caqli yar Maxamed Siyaad ee hala dilo, dilkaasna waa lagu fuliyey. Xuseen Caydiid oo ka mid ah kooxda Mebaghati ayaa adduunweynaha u caddeeyey in Cabdullaahi Yuusuf si foolxun u gumaaday shacabka reer Banaadir.. Haddaba waa xil dhallaan gartaye, Maxamed Sirilaanka ma Xuseen Caydiid ayuu garasho liitaa? Xuseen Caydiid malaha wuxuu hidde raacay halyeeygii dhalay Jeneraal Maxamed Faarx Caydiid. "Xuseen cirriqiisu meeshuu ka yimid caynadeed noqoy". Farqiga u dhexeeya hadallada Xuseen Caydiid iyo Maxamed Gacmadheere, waxaa weeye: Xuseen waa dhashay, Maxamedna waa dhaqmay. Murti baa leh: "Hal aan xerada ku dhalan haddii koorta lagu xiro geelu waa lumaa".....



Seben hore, nin burcad oo geel dhacista lagu yaqaan oo lagu magacaabi jiray Cali Barre ayaa geel ka dhacay culumo meel degan. Nin ka mid ahaa culumada ayaa gabay kuhaan tiriyey, wuxuuna yiri: "Dad wax iriye waxaan Cali Barrow, kugu dambeysiiyey".. "Meelaan dab iyo sarrin lahayn doogi kaa qabatay".. "See waxaad qabtaa culumo deynkeede".. Habarkii wadaadka Alle waa aqbalay, Cali Barrena waxaa asiibay cudur aan daawo lahayn. Sidaas kale waxaan leeyahay, Maxamed Sirilaanka beeshii aad xoolaheeda ku soo kortay, magaceedana aad mansabka ku heshay, haddii aad u ololeynayso in la gumaado, waa hubaal inay ku asiibi doonto ibtelo dhacarsata faracaga abid ka abid.



Salaad Cali Jeelle:



Yaraanteydii gobollada dhexe waxaan ka maqli jiray sheeko la yiraah Maxamed Baadi oo dhacday sebenkii gumeysiga Talyaaniga. Sida la ii sheegay 1900kii gobollada dhexe waxaa ku noolaa nin lagu magacaabi jiray Maxamed Baadi, sida xoolaha ayaa loo soo hoyn jiray, caqli iyo garasho ma jirin. Maxamed waa lumay,waxaana la waayey raq iyo ruux meel uu jaan iyo cirib dhigay. Wiilka ka maqan darti hooyadi ayaa waalli ku dhowaatay, waxayna Axmed oo ahaa da'dii ku xigtay Maxamed fartay inuusan guriga ku soo laaban ilaa uu war cad ka keeno xaaladda Maxamed. Axmed siduu u baadigoobaayey walaalki Maxamed, ugu dambeystii wuxuu magaalada Beledweyne ugu yimid Maxamed oo loo qoray askartii Baandada oo albaabka ka taagan Barasaabkii gobollada dhexe oo xilligaas fadhigiisu ahaa Beledweyne. Maxamed walow uusan caqli barti lahayn, waxaa Eebbe ku manaystay filsami joog iyo jamaal gole-joosgsi wacan u dheer yahay, muuqaalkii haybadda lahaa ee Maxamed Baadi wuxuu soo jiitay Barasaabkii Talyaaniga oo sida eeyaha u tababray kana dhaadhiciyey inuu albaabka xafiiska ka furo, markuu soo galona salaan qac ka siiyo. Axmed ayaa reerihii ku laabtay, wuxuuna u sheegay inuu Beledweyne ku soo arkay Maxamed oo loo qoray askeri Baando. Habeenkii ayaa dhalinyaradii cawska isugu timid ciyaar tunteen, gabadh ayaa ciyaartii ka booday, waxayna ku maansootay "Markii Baadi Baando loo qoray, Alla maxaa Baando baahi loo qabay". Sidaas kale waxaan leeyahay kooxda wasiir iyo afhayeen ka dhigatay Salaad Cali Jeelle, baahida ay wasiir u qabaan tiro badanaa. Taarikhdii Salaad Cali Jeelle oo kooban.



Salaad wuxuu ku dhashay miyiga Jowhar, wuxuuna ka dhashay qoys lo'ley ah. Waayihii uu soo barbaaray wuxuu xanaaneyn jiray (ilaalin iyo waraabinba) lo'da qoyska. Sida Maxamed Baadi oo kale caqliga iyo garashada oo ku yar darteed, yaaraantisii waxaa lagu tirin jiray xoolaha oo waxaa lagu naaneysi jiray Salaad Dibi.. 1989kii Salaad Dibi oo lo' caanoteel ah ku haya meel Jowhar u dhow ayaa magaalada u iib keenay dhiil caano ka buuxaan. Salaad Dibi oo xilligaas jiray 35 sano weligi naag qaawan ma arkin sababtoo ah gabdhihii geyaankiisa ahaa oo dhan waa diideen oo mid kasta waxay tiri DIBI guursan maayo. Salaad Dibi oo xasaasiyadda dareenka ragganimadu ku badnaayeen darteed, hadba gees ayuu dhugtay oo wuxuu ku indha daraandaray naagihii suuqa joogay, kadibna wuxuu iskudayey inuu kufsado naag jidka mareysay. Ayaandarro naagtii uu iskudayey inuu faraxumeeyo waxay ahayd afadii Barasaabka gobolka shabellaha dhexe, isla markiiba Boliiskii saldhigga ayaa xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ciqaabteedu tahay 10 sano oo xarig ah. Odayaashii beesha Salaad Dibi ka dhashay ayaa Barasaabkii baryey, codsigii odayaasha Barasaabka waa yeelay wuxuuse shardi ka dhigay Salaad Dibi inuu iskaga baxo gobolka, kadibna Salaad Dibi wuxuu u huleelay xeryihii USC ay ku lahayd gudaha Itoobiya. Salaad Dibi oo aan dhanna ku fiicnayn waxaa lagu jaaday inuu jabhadda c***ada u kariyo, dharkana u dhaqo, sidaas ayuu uga mid noqday jabhaddii USC ee Itoobiya ka soo duushay.



Qeybta Qudaarta ee Suuqa Bakaaraha waxaa jooga dibi weyn oo madow, wuxuu aad ugu eg yahay Salaad, malaha waa kii lagu samiyey. Suuqleyda ayaa qad cad feeraha dibiga kaga qortay Salaad Cali Jeelle. Dibigu waa muhdi dadka ka cuna qudaarta, si aan ku hubiyo dibigii Salaad lagu samiyey inuu ka badbaaday xabbihii wiiftada ahaa iyo in kale, shalay ayaan suuqa qudaarta soo maray, waxaan ku soo arkay dibigii oo weli qolofta mooska cunaya. Marka la qiimeeyo hadalladii Cabdullaahi Yuusuf soo faray Salaad ee uu dhowaan kaga hadaaqay goob tolkiis ku shirsanaa, salaad waa dibi aan bari iyo koofur kala aqoon, wuxuuna la mid yahay Acraabigii isku qalday saca iyo maroodiga.



Carab reer miyi ah oo aad u yaqaan luuqada Carabiga balse aan waxba ka aqoon Qur'aan ayaa magaalo yimid. Masjid ayuu galay, salaad cishe ayuu jameeco ku xirtay, iimankii ayaa aqriyey Suuratul Baqara, istaagga ayaa ku dheeraaday, wuxuu ku sigtay inuu salaadda ka baxo, waase dulqaatay. Habeen kale ayuu masjidkii salaad cishe u yimid, iimaankii wuxuu aqriyey Suuratul Fiil, ninkii reer miyiga ahaa markuu maqlay (Bi asxaabil fiil) isagoo fahamsan in maroodi sac ka weyn yahay, wuxuu is yiri, suuradii saca haddii saqdhexe lagu gaarey, suuradda maroodiga waxay dhammaan doontaa waaberiga ee meesha isaga tag. Ninkii reer miyiga ahaa oo Suuratul Fiil oo shan (5) aayadood ah u fahmey inay ka badan tahay Suuratul Baqara oo 286 aayadood ah ayaa jaahilnimo darteed salaaddii isakaga baxay.. Salaad Dibi oo fahamka siyaasadda kala mid ah reer miyigii salaadda uga baxay maroodi sac ka weyn, xantii Cabdullaahi Yuusuf ku qarsaday ayuu fahmi waayey si loo xafdiyo, wuxuuna uga hunqaacay meel fagaare ah.



Arrinta Salaad Dibi waxaan ku soo afjarayaa beyd ka mid ah gabay uu tiryey saaxiibkey Abshir Bacadle: "Buubaa dilmahayiyo Xuseen waa ka daba tuure" "Dalka Geedi baa iibsaday Duq iyo Neeflow'e".. Neeflowgu waa Salaad Dibi oo markuu hadlayo hinraaga... Hinraagii Jeelle habar tukatay dheh... Hugunkii beesha hayb nacayb tol dheh...



Qanyare & Qeybdiid:



Sida muuqata Maxamed Gacmadheere wuxuu si rasmi ah ugu fashilmay xilkii wasaaradda gudaha, sababtoo ah beesha reer Xaaji Suleymaan 100% waxay si kalsooni leh u taageertay kacdoonka looga soo horjeedo Tigreega dalka qabsaday. Haddaba ilo lagu kalsoon yahay xog laga soo xigtay waxay tibaaxaysaa madaxda Kooxda Mbegathi inay go’aan ku gaartay in xilka wasaaradda gudaha loo magacaabo Maxamed Qanyare. 1991 kadib sanadihii burburka, dadka qofba wax buu caashaqay oo jeclaystay, Somaali inteeda badan saar baa ku dhacay. Sida dhaqanku yahay qofka saarku asiibo waa laga tumaa, waxaana loo yeeraa madaxda Jinka sida Yoose iyo Maame, Reyfe iyo Rigaaxe.



Somaalidii saarku ku dhacay lagama tumin oo weli waa waallan tahay. Qofkii jeclaa inuu beer fasho wuxuu aaday Dhooboy oo dhul buu bililiqeystay, qofkii jeclaa inuu naag cad guursado wuxuu aaday Baraawe oo gabar cad ayuu soo kaxaystay, qofkii jeclaa inuu noqdo sarkaal wuxuu qaatay derajada G/Sare oo suuqa ayuu gaardiyaa, qofkii jeclaa inuu noqdo Madaxweyne dadka ayuu laayey wuxuuna ku faanay xasuuqay shacabka, qofkii jeclaa inuu noqdo wasiir si fudud ayuu ku helay oo dowaladihii ay dhiseen (Cali Mahdi, C/maan Tuur, Cigaal, Caydiid, C/qaasim, Cabdullaahi Yuusuf, Daahir Riyaale & Cadde Muuse) waxay wasiir u magacaabeen dad kor u dhaafay 3000 seddax kun oo qof. Laashin ka shirbay arrinta wasiirada xad-dhaafka ah wuxuu yiri “dadkaan wareeray waayadaan wasiir ku wacaa wuxuushnimaa”.



Mudane Maxamed Qanyare wuxuu si miyir la’aan ah u caashaqay jagada wasiirka arrimaha gudaha, weli maskaxda ayey uga qunfulan tahay oo saarkaas lagama tumin. Maxamed Qanyare wuxuu caan ku yahay laba sifo oo kala daran oo aan siyaasadda ku fiicnayn, waa qabyaalad aan joogsi lahayn iyo gebedhaclayn siyaasadeed. Qabyaaladda madaxmartay Maxamed Qanyare waxay ka soo billaabataa Hawiye iyo D******, waxayna ku dhammaataa labadiisa bahood. Xaaskiisa weyn waa reer Qardho, xaaskiisa yarna waa reer Ceelbuur, haddii carruurtiisu diriraan dabcan wuxuu la saftaa carruurta bah Ceelbuur.



1991kii dowladdii Cali Mahdi dhisay wuxuu ka noqday wasiirka arrimaha gudaha, markii USC dirirtay wuxuu si xoog leh ula saftay garabkii Cali Mahdi, wuxuu idaacadda ka yiri, Janankii waallaa (Caydiid) iyo mooryaantiisii waa laga adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Afgooye. Maxamed Faarax Caydiid ayaa meertadiisa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, xishood la’aan wuxuu yiri, Kooxdii Maxmiyadley (Garabkii Cali Mahdi) waa laga adkaaday oo waxaa la sii ceyrinayaa Keysaney. C/qaasim waa ilduufay oo wuxuu u magacaabay wasiirka Kallumeysiga, taasina waxay dhalisay inuu si ba’an ula diriro maamulkii C/qaasim. Cabdullaahi Yuusuf ayaa isna u magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka oo malaha u dhigatan wasiirka arrimaha gudaha. Maxamed Qanyare madaxweyne kasta oo uu siyaasad kula shirkoobo, wuxuu kula gorgortamaa maaliyad, waana inuu helaa lacag xad-dhaaf ah, waa nin damac badan oo aan jeebkiisu marnaba buuxsamin. Maxamed Qanyare wuxuu ku xeeldheer yahay siyaasadda gebedhacleysa ee danaysiga ku dhisan (Political Scandalism), weligi 30 maalmood meel kuma negaan oo hadba dhan ayuu u naqraacaa. Damaca xad-dhaafka ah ee Maxamed Qanyare waa caqabadda hortaagan israac beelaha USC ku midoobaan oo ay maamul ku dhistaan. Laashin cabbiray hab-dhaqanka Maxamed Qanyare ayaa ku shirbay “Hawiye waxaa dhibaa, hal dhunxaayoon dhergeyn” . Mudane Maxamed Qanyare oo ah aas-aasihii allifey Ururukii Islaam la dirirka balse lagu magacaabay Argagaxiso la dirirka, waagii uu socday dagaalkii u dhexeeyey Islaamka iyo Gaalada, wuxuu yiri Maxaakiimtu waxay doonayaan inay nagu xukumaan Shareecada, anaguna waan diidnay Shareecada oo waxaan dooranay dastuurka Cilmaaniyadda ku salaysan. Sidaas awgeed marka la qiimeeyo afkaartiisa ee Islaam ka horjeedka ah, Maxamed Qanyare waa mudan yahay jagada Wasiirka Gudaha oo la rejeynayo in dhowaan loo caleemosaaro. Beryahaan hadalhaynta reer Muqdisho waxay u badan tahay “Naqraaca Qanyare iyo Nololdiidka Qeybdiid, natiijadu maxay noqon?”



Kornayl Cabdi Qeybdiid wuxuu safka hore uga jiray saraakiishii halganka USC ka soo bilaawday gobollada dhexe (Saldhiggii Dhuumoodle) ilaa 1989kii xabbad ayuu ku dhex jiray. Goobihii rag ku faltamay midna guul kama keenin, dhacdooyinka dagaalladii la soo maray marka dib loo jaleeco, waxaa la xaqiijiyey inuu yahay hoodelaawe mar kasta ku guuldareysta dagaalka fool-ka-foolka ah (front line), balse wuxuu ku hoodo leeyahay oo aad u yaqaan dhabar ka wareenka iyo dilka siyaasadeed (Political a**isination). Waa nimaan xishoon, waa nimaan cabsan, waa nimaan naxin, waa nimaan naxariisan, waa nin ku shaqeeya ujeeddo gurracan, wuxuu ka mid yahay koox hadafkeedu yahay Somaaliya inay weligeed ku jirto qas iyo jahawareer, si aan loogu maxkamadeyn dunuubtii ay galeen.



Kooxda Mbegathi waxay taagan tahay marxalad qalafsan, waxay maree meeshii C/qaasim ratigu uga dheelliyey. Wasiiro laysku shaandheeyo, xubno Baarlamaan oo lagu beddelo suuq joog xaafadaha laga soo uruuriyo iyo Cabdi Qeybdiid oo loo magacaabo taliyaha Boliiska waa aafooyinkii araxda jebiyey dowladdii C/qaasim. Horaa loo yiri “Islaan dhaliweyday aleelo ku waalatay” Kooxda Mbegathi waxay ku riyootay haddii la hawlgeliyo (Qanyare & Qeybdiid) in si fudud loo burburin doono xoogga kacdoonka shacabka lagu suntay argagaxisada.. Madaxweynaha Kooxda Mbegathi muxuu ka macaashi doonaa magacaabista Cabdi Qeybdiid? Muuxse Cabdi Qeybiiid ka macaashi doonaa xilka loo dhiibay? Sanadkii 2000 ka hor, dilalkii Xamar ka dhici jiray waxay lahaayeen laba magac kaliya, waxayna kala ahaayeen: Hebel waxaa loo diley hanti laga dhacayey darteed iyo hebel waxaa loo diley aargoosi haybtiisa q***** darteed. Laakiin 10/10/2004 maalintii Meles Zenawi Cabdullaahi Yuusuf ka dhigay Barasaabka Maxmiyadda Somaaliya, wixii ka dambeeyey waxaa aad u batay dilalka qorshaysan ee qofka loo qaarijiyo siyaasad darteed. Haddaba Cabdullaahi Yuusuf magacaabista Cabdi Qeybdiid wuxuu ka macaashi doonaa inuu sii kordhiyo dilalka siyaasadda (Political Assisinations), Cabdi Qeybdiidna xilka loo dhaariyey wuxuu ka macaashi doonaa inuu dib ula soo noqdo Isbaarada Siinka Dheere (bartamaha Xamar & Afgooye) oo uu maalintii ka heli jiray boqol malyan oo shilin intii aan Maxaakiimtu ka faramaroojin. Mar haddii Cabdi Qeybdiid hawlgeliyey waa hubaal in la arki doono meydad tiro badan oo aan la aqoon macnaha loo diley.



Biyodhaca Qoraalka:



Xasuuqa Somaaliya ka socdaa wuxuu ka dhashay seddax ujeeddo oo is huwan. Madaxweyne Bush oo doonaya inuu Muslimiinta ciribtiro ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1993 dhexmaray Rangers iyo USC. RW Meles Zenawi oo doonaya inuu Somaaliya gumeysto ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1977 dhexmaray Somaaliya iyo Xabashida. Cabdullaahi Yuusuf oo doonaya inuu noqdo Barasaabka Maxmiyadda Somaaliya ka sokow, wuxuu si miyir la’aan u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1991kii dhexmaray Hawiye iyo D******. Haddaba mashruuca ujeeddo badan ee loo qorsheeyey in Somaaliya lagu gumaado, seddaxda nin (Bush-Zenawi-Yuusuf) keebaa guulaystay oo hadafkiisii gaarey? Keebaa mudan in halyeey loogu yeero “Who is who”?.. Seddaxda hoggaamiye mid kasta ilaa xad waa ku guuleystay hadafkii dagaalka, laakiin aragtideyda Cabdullaahi Yuusuf ayaa billadda horyaalka hantay oo riyadiisii meelmariyey, sababtoo ah aargoosigu haybad iyo sharaf ayuu ku yahay dhaqanka Somaalida. Ninku markuu faraxsan yahay ama careysan yahay labada goorba hal-abuurka suugaantu waa u sahlan tahay. Cabdullaahi Yuusuf oo dareenkiisu isku Milan yahay (mixed feelling) ayaa tiriyey dhowr gabay, sida la sheegay wuxuu yiri:

“ Mar haddii haruubkii dowladnimo layga halakeeyey”

“Sow guri Hawiye huf iyo haakuf kama yeelin”

“ Mar haddaan halyeey waddani iyo haybad qaran waayey”

“ Hugunkiyo rasaastii hoygii Xamar sow haar-cad kama yeelin”



Sh. Ibraahim C/qaadir Calinuur (Abu Xaniifa)

Xaniifa77@yahoo.com


: Wed 05/30/07 2:30PM
: Guuleed cabdi xasan
: guled121@hotmail.com

: Hadii aan ka dhiibto fikradeyda Xalka Soomaaliyeed, Aniga waxaan aaminsanahay in la taageero Dowladda Soomaaliyeed oo noo curatay waayo 16 sano ayaan dagaal isku heynay, bal aanu jaanis yar siino.

Marka aan u kuurgaley wanaagii eey maxkamadaha sameeyeen, aniga waxaan aamin sanahay in eey wax wanaaga sameey oo aan ka aheen in umadda oo idil wadaado ka dhigaan mooyee

Bye
Guuleed yare

: Thu 06/14/07 9:04PM
: abshir
: abshirx@yahoo.com

: golaha maxkamadaha ayuu xalka ku jiraa meelna leeslama dhigikaro midowgi maxaakimti waxey qabteen iyo dabadhilifyadan wadanka naga burburiyay cadowna gacanta noo geliyay inkaar haku dhacadee

: Thu 06/14/07 11:29PM
: Nuur dheere
: nuure@hotmail.com

: Waxaan aamin sanahay qofwalba in uu xalka Soomaaliyeed keeno laakiin mid baa qoray la hortaagan oo asagana u arko in xalka uu isagu keeni karo, anigu waxaan qabaa in dowlada wax yar jaanis la siiyo

: Thu 06/28/07 7:32PM
: sara
: yaxyax@hotmail.com

: asc bacdi salaan aniga waxaan aamin sanahay in aan la isla meel dhigi karin kitaabka alle & kuwa kufriga wada taasna waa wax aan marnaba la iska indha saabi karin maxaakiimsa islaamigu waxay ku nabadeeyeey koofurta soomaaliya oodhan mudo gaaban. dowlad isku sheeguna ey ilaa hada ku nabadeyn la yihiin waa wax laga yax yaxo inay cadow soo jireen ah gacanta noo galiyeen mana iloobeyno dhibaatada ey noo geysatay cadowga soomaaliyeed ee soo jiray dhowrka qarni.
inay maanta magaala madaxdii dalka soomaaliya ey burburisona waxaa u sahlay caado qaata yaasha ku bahoobay kufri keenso ee kitaabki xoor kama hari doono ee waan karbaasheynaa ilaa ey ka bixiyaan kufaarta dhulkeena kacdoonkuna wuu soconee kasoo qeyb gal wanaagsan kuwa kitaabka qaatayow kacdoonku waajib weeye ee wanaagsanoo lasoo diree dariiqii rasuulkiyo (swcw) dawr kii wacnaayoo darajada lahaa iyo dalabkii ilaahay inaan ka daalo waa darajo xumee daryeela diinwanaag daryeela dalkiina daryeela dadkiina haw dulqaadanina kuwa duloobay doolarka qaaday u tureyn dadkooda oo daa inkood ka yaabin doqoney dabkaa ba kuwa kudoortay badkood ba duni halowsan daacad ka hiilin dulmi u hiilin oon damqayn diintii ilaah iyo kasoo horjeeda dariiqi toosnaa dambiilasha cadwoow dambeyso siraadkii qiyaamo su,aashii darayd.........> ilaahoow inoo naxariiso.

: Wed 07/11/07 10:22AM
: Mahamud hassan shirwac
: shirwac@hotmail.com

: 1. Maxkamadaha Islaamiga ah,
2. DFKMG ah,
3. Quwadaha shisheeye
4. Dib u heshiisiinta lagu talo jiro.
5. Maxaa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed
6. Gunaanad

1. Maxkamadaha Islaamiga ah:-

• Maxkamadaha Islaamiga ah waxaan shaki ku jirin inay wax weyn u qabteen ummadda soomaaliyeed muddadii ay maamulka hayeen (June 2006 illaa December 2006). Qoraal ay soo saareen Chatham House (oo ah hay’ad madaxbannaan oo arrimaha dibedda kala talisa waddanka UK) bishii April 2007 waxey ku sheegeen waqtigii maxkamadaha waqti dahab ah oo soo maray Somalia (Golden Age). Iyadoo lagu faani karo guulihii iyo nabadgelyadii ay soo celiyeen maxkamadaha haddana waxaa habboon in la is warsado sababaha keenay burburkooda, si looga qaato waayo aragnimo buuxda, loona saxo qaladaadkii jiray si aan mustaqbal loo gelin qaladaad noocaas oo kale ah.

• Wanaagii maxkamadaha halkan laguma soo koobi karo ha noqoto dhanka nabadgelyada, dhanka ka fogaanshaha q*****iga, dhanka soo celinta adeegyada bulshada iyo rajada ah in ummadda soomaaliyeed ay isku tashan karaan. Aniga waxaan fursad u helay inaan ku tago caasimadda waddanka Muqdisho dhamaadkii June iyo bilowgii July 2006, oo aan fursad u helay aan ugu kuurgalo arrimaha, lana fariistay madaxdii ugu sareysay ee maxkamadaha islaamiga ah iyo weliba saraakiisha shabaabka sida Ceyrow, islamarkaana aan sidoo kale la fariistay aqoonyahanada soomaaliyeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ah ee magaalada Muqdisho.

• Walow ay wanaag fara badani jirtey, haddana waxaa iyadana jirtey khaladaad fara badan oo haddii lala imaan lahaa qorshe wanaagsan la sixi karay. Qaladaadkaas qaarna waxey ahaayeen kuwo fudud, sida fiirsadasha kubbadda cagta ah oo qaar ka mid ah maxkamaduhu ku kaceen, walow mas’uuliyiinta sare ey noo sheegeen inaysan siyaasaddoodu ku jirin. Qaladaadkii waaweynaa iyagana waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta maxkamadaha iyo saraakiisha militariga oo aan wada socon una dhaqmin hab maamuus keeni karay kala danbeyn iyo maamul wanaag, kaasoo markii danbe keenay burburka maxkamadaha. Qilaafkan ayaan aniga u aaneyn karaa lafdhabarka burburka maxkamadaha oo qilaafkan ayaa keenay in mas’uuliyiinta maxkamadaha ay la iman waayeen siyaasad cad cad oo ay ku wajahaan la heshiisiinta DFKMG ah ama caalamka intiisa kale. Qilaafkan ayaa isna sabab u ahaa in maxkamadahu ay ku fidaan waddanka gudihiisa tanoo soo dedejisay burburkii maxkamadaha.

• Sidaas daraadeed maxkamadaha islaamiga ah waxey ku lahaayeen qeb dhan 3 meelood meel (1/3) burburkii ku yimid iyaga iyo waddankaba.

2. Dowladda Federalka ku meel gaarka ah

• Shirkii Eldoret iyo Mbegathi oo ka dhashay DFKMG ah waan la wada soconaa oo ma aheyn shir soomaalidu u madax bannaanaayeen, oo waxaa aad ugu weynaa fara gelinta dowladda Ethiopia. Shaqsiyaadkii tegay goobta oo keliya ayaa garan kara sida loo bahdilay soomaalida sheeganeysay inay mas’uul ka yihiin waddanka. Waxaad arkeysay hoggaamiyeyaal daba ordaya saraakiil Ethiopian ah. Aragtida gaaban ee mas’uuliyiintii ka qeybgalay shirka iyo khilaafka dhexdooda ah ayaa keenay in saraakiisha Ethiopianka ay sidey rabaan u maamulaan shirka oo waxaa iigu darneyd markaan arkay aqoonyahanno soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah oo loo diiday inay shirka ka qeybqaataan, islamarkaana hoggaamiyeyaasha kooxuhuna ay taageereen fikirkaas iyagoo ka cabsi qabay in aqoonyahanadu la wareegaan maamulka shirka. Arrimahan ayaa sabab u ah horumar la’aanta DFKMG ah ee maanta jira.

• Iyadoo sidaas ay tahay ayaa haddana ummadda soomaaliyeed oo aan anigu ku jiro la soo dhoweeyey DFKMG ah loona arkay in dhismo dowladdeed ay lama huraan tahay, khaladdaadkana ay saxmi karaan. Waxaa loo arkay in DFKMG ah looga gudbi doono nabadgelyo xummada waddanka ka jirtay. Waxaana iyadana la ogsoonyahay in DFKMG ah ay mar hore burburi laheyd haddaan Ethiopia ku mintidin. Waxaad moodaa in Ethiopia ay daraasad wanaagsan ku sameysay siyaasadda soomaaliya oo xulasho cajiib ah u xulatay mas’uuliyiinta DFKMG ah oo iyaga danta Ethiopia ka horumariya tan Soomaaliyeed. Waxaa muuqatay in dhowr jeer oo khilaaf ka dhex dhacay mas’uuliyiinta ugu sareysay oo wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia uu si waadix ah u soo dhexgalay una dhameeyey khilaafkii jiray.

• Hay’adda International Crisis Group (ICG) ayaa maqaal ay qoreen 21 December 2004 ka dib doorashadii Madaxweynaha ayaa waxey ku sheegeen in Somalia ay dagaaladu socon doonaan iyagoo wejiyo kale leh”Continuation of War by Other Means?” DFKMG ah lama iman aragti dheer oo ku wajahan waddanka iyo shacabka soomaaliyeed oo kalsooni gelin karay ummadda soomaaliyeed. Arrimahan waxaan u aaneynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha oo labadaba ku weyntahay raaligelinta Meles Zenawi una muuqda inay ka amar qaataan. Waa hubaal in Meles uu ku caawinay inay qabtaan jagooyinkan, haddana waxey meesha ka saareen in mas’uuliyadda ay u hayaan ummadda soomaaliyeen, mudnaantooda koowaadna ay tahay sidii waddanka ay u gaarsiin lahaayeen horumar iyo barwaaqo. Aniga shaqsiyan ma qabo in mas’uuliyiintan ay keeni karaan wax horumar ah xitaa haddii shacabka oo dhan ay la shaqeeyaan, waayo kama muuqato falalkii hoggaan wanaagsan.

• DKMG ah waxey ka faa’iideysan weysay fursaddii maxkamadaha islaamiga ahi ay nabadda ugu soo celiyeen caasimadda waddanka. DFKMG ah waxey la imaan weysay qorshe dib u heshiisiineyd ay ku hantaan maxkamada islaamiga ah. Xildhibaan ka mid ahaa xildhibaanada oo kala shaqeeyey madaxeynaha sidii la isagu xiri lahaa maxkamadaha iyo DFKMG ah ayaa ii sheegay in madaxweynaha uu markii hore raalli ka ahaa in lala heshiiyo maxkamadaha oo xitaa uu ogolaaday in 100 ergo oo ka socota maxkamaha ay yimaadaan baydhabo oo la furo wada hadal, ha yeeshee madaxeynaha ayaa u socdaalay safar dibedda ah (Ghana) soona maray Addis Ababa ayaa markuu yimid u sheegay xildhibaanadii diyaarinayey sidii maxkamadaha loola xaajoon ahaa inay joojiyaan dadaalka ay wadaan kuna yiri la heshiin meyno maxkamadaha. Tanoo fasireysa in Addis ababa laga soo amray.

• DFKMG ah waxey door bideen inay ciidamada Ethiopia u fasaxaan waddanka oo ay laayaan soomaali, iyagoo sheeganaya inay matalaan soomaalida. Waxey garan waayeen in Somaliya ay u baahantahay isbedel dhan walbo ah oo ay ugu horreyso shacabka soomaaliyeed oo dantooda laga fikiro.

3. Quwadaha Shisheeye

• Soomaaliya weligeedba loolanka quwadaha shisheeye wuu ku xoog badnaa wallow ay marxaladuhu aad u kala duwanaayeen. Ka dib isticmaarkii Somaliya dowladihii soo maray oo dhan waxaa qasab ku aheyd inay ku xirnaadaan quwado shisheeye ha noqoto xag dhaqaale ama xag siyaasaddeedba. Ka dib burburkii dowladdii dhexe ee 1991 ayaa sababtay in Ethiopia ay straatejid fog ka yeelato Somalia ayna ku dadaashay xal kasta oo keeni karo inaysan Soomaalida isu iman, haddii ay isu imanayaana ay gacanteeda ku jiraan. Waqtigii Ali Mahdi waxey la safatay Ceydiid, ka dib markii Ali Mahdi iyo dowladdiisii burburtay oo ceydiid uu noqday quwad militari xoogan leh, haddana wey ka safatay oo waxey taageertay hoggaamiye kooxeedyadii jiray sida Muse Sudi. Waxaa ku xigtay inay Hussein Ceydiid dagaal ku soo hoggaamisay, xoogna uga soo saartay gobolada Bay iyo Bakool. Heshiiskii Masar waxey ku burburisay Soodare. Dowladdii Cartena waaba la ogaa waxii ka dhacay oo waxey abuurtay SSRC. Ka dibna doorashadii DFKMG ah waan la soconaa inay taageertay Mohamed Dheere.

• Sidaas daraadeed Ethiopia straatejiyadeedu waxey aheyd mid muuqata oo aad u cad cad. Waxeyna ka faa’iideysatay hoggaan xumada heysata ummadda soomaaliyeed, si fiicanna u fahamtay isticmaalka kaarka q*****ka oo u noqday aalad ay u isticmaasho ummadda soomaaliyeed. Qofkii shaki ku jiro in Ethiopia aysan dano gaar ah ka leheyn soomaaliya waxaa tusaale ugu filan inay taariikhda 17kii sano ee u danbeeyey ey dib u jaleecaan iyo sida ay ula dhaqanto soomaalida kelinka 5aad marka loo fiiriyo kuwa Kenya. Waxaa u sii dheer inay si fiican u isticmaashay kaarka la dagaalanka argagixisada caalamka. Tan oo keentay in Mareykanka uu nal cagaaran u ifiyo. Isticmaalka Ethiopia ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada caalamka ma aha mid hadda bilowday.

• Mareykanka oo ka naxsan dharbaaxadii ku dhacday dagaalkii Ceydiid ayaa weligiisba si taxadar ah u eegayey arrimaha soomaaliya. Waxaan shaki ku jirin in mareykanka uu in muddo ah uu raadinayey fursado u saamaxa inuu soomaaliya arrimaheeda wax ugu qabto, haddana ma siinin fursad dhamaadkii shirkii Kenya iyo doorashadii DFKMG ahba oo waxuu si cad ugu sheegay inuusan taageereynin illaa ay ka tagaan waddanka oo ay ka sugaan nabadda soona celiyaan nidaam dowli ah. Dhanka kale mas’uuliyiinta DFKMG ah waxey ku haminayeen in caalamku taageerayo is ay nabadda u soo celiyaan una dhisaan nidaam dowlad. Haddaba waa arrintan arrimaha dhaliyey in DFMKMG ah ay noqoto mid fadhiid ah oo aan akhrin karin aragtida caalamka.

• Maxkamadaha Islaamka markii ay Muqdisho nabad ka dhigeen, kana ceyriyeen hoggaami kooxeedyadii Muqdisho, ayaa si deg-deg ah caalamku diiradda u soo wada saaray arrimaha Soomaaliya. Waxaa isla markiiba uu Mareykanku ku dhawaaqay Somalia Contact Group oo in muddo ahba kulmayeen. Nasiib darro waxaa noqotay in Maxkamadaha ay fahmi waayeen ifafaalayaashii caalamku ku wajaheen arrimaha Soomaaliya. Ethiopia ayaa fursad ka dhigatay dhega-adeyga Maxkamadaha gurbaan weynna u tuntay in Maxkamadaha ay xirriir la leeyihiin Al-Qaacida iyo inay marti geliyaan 3 ruux oo mareykanku danbiyo u heystay. Arrimahan ayaa waxey soo dedejiyeen dagaalkii Maxkamadaha Islaamiga iyo Ethiopia oo uu mareykanku si xoog leh u taageerayey.

• Caalamka oo uu ugu horreeyo Qaramada Midoobay kuna jiraan saxaafadaha galbeedka waxey kuligood ka sinaayeen in lag aaamuso faragelinta Ethiopia iyo xasuuqa ummadda soomaaliyeed.

4. Dib u heshiisiinta:-

• Madaxweynaha DFKMG ah siduu ugu hayey cadowga waa laga guuleystay wax dib-u heshiisiin la yiraahdo ma jrito ayaa uu mar qura isbedel weyn ku yimid ka dib markii shirkii AU ee ka dhacay Addis ababa lagu amray inuu oggalaado. Arritan ayaa waxaa ku xigay inuu kulankii baarlamaanka ee dhacay 1 March 2007 uu magacaabo guddi uu ku sheegay heer qaran yirina waa guddi madax bannaan uuna madax uga dhigay Mudane Ali Mahdi Mohamed.

• Guddiga dib-u heshiisiinta ayaa fursadda markiiba ka faa’iideystay oo Ali Mahdi oggolaaday xilka, ha yeeshee tan iyo markaasba u dhaqmayey inuu ka tirsan yahay DFKMG ah. Mas’uulka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Africa, Jenday Frazer ayaa si buuxda uga hadashay arrimaha dib-u heshiisiinta siisayna kaalmo buuxda Ali Mahdi una sheegtay inuu madax bannaan yahay oo DFKMG ah aysan wax shuqul ah ku laheyn. Ha yeeshee waxaan aragnay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo idaacaddaha u sheegaya in shirka dib u heshiisiinta uu baaqday, islamarkaana uu wasiir ku xigeenka dib- heshiisiinta uu ka daba hadlay sheegayna in shirka uusan dib u dhicin. Waxaa ku xigtay in Ali Mahdi uu maalin ka hor baajiyey kulanka. Ali Mahdi ma sameysan hay’ad madaxbannaan oo xafiis madax bannaan leh una shaqeeya ummadda soomaaliyeed. Ma sameysan aqoonyahanno u sameysa daraasad iyo diyaar garow la xirriira shirka. Weli ma uusan soo bandhigin qorshe cad cad oo uu ugu baaqayo dhammaan kooxaha iska soo horjeeda inay miiska wada hadalka wada yimaadaan. Balse waxuu dhowr jeer idaacadaha ka cambaareeyey shaqsiyaad muhiim u ah shirka dib u heshiisiinta. Ma aheyn Ali Mahdi inuu u jawaabo shaqsiyaadka iska soo horjeeda amaba dhaliila isaga iyo howshiisa, waxey aheyd inuu u muuqdo shaqsi madax bannaan oo ka hadli kara arrimaha iyo dhibaatooyinka shacabka soomaaliyeed lagu hayo. Waxaa muuqaneysay inuu waqti badan geliyey la kulanka mas’uuliyiinta DFKMG ah halka uu waqti isla eg gelin lahaa la xirriirka kooxaha iska soo horjeeda.

• Waxaa cad in Ali Mahdi fursaddan qaaliga ah uusan uga faa’iideysan si ku habboon ama ha noqoto isaga sumcaddiisa ama danta guud ee ummadda soomaaliyeedba. Aniga aragtideyda kooban ma filayo in shir dib-u heshiisiin uu marxaladda waddanka maanta ku jiro uu ka qabsoomi karo Muqdisho iyadoo ay joogaan ciidamo Ethiopian ah.

5. Maxaa la gudboon Sh. Sharif Sh. Ahmed.

• Ummadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogto aad bey ula dhaceen hoggaankii suubanaa uu Sh. Sharif Sh. Ahmed la soo baxay xilligii ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ay maamulayeen caasimadda iyo koofurta waddanka inteeda badan. Xitaa waxaa soo dhoweeyey soomaalida inteeda kale sida Somaliland iyo Puntland. Caalamka ayaa isna soo dhoweeyey hoggaanka Sh. Shariif, ha yeeshee arrimo dhowr ah oo is biirsaday iyo ajendaha Ethiopia iyo Mareykanka ayaa waxaa suuroobi weysay in Maxkamaduha ay sii waaraan.

• Aniga waxaan ka mid ah shaqsiyaadka fursad u helay uu kula kulmo Sh Sharif oo runtii aan ku ammaani karo xirfaddiisa ixtiraamka shaqsiga iyo bani’aadanimada iyo dulqaadkiisa dhageysiga fikradaha kala duwan. Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa iyagu jiray ka hor dagaalkii lala dagaalay hoggamiye kooxeedyada ka dib markii ay ku dhawaaqeen isutag la magac baxay la dagaalanka argagixisada. Intaas waxii ka danbeeyey Maxkamadaha dagaalkooda iyo guulahoodaba waxey ahaayeen kuwo isdaba joog ah. Ka dib guushii dagaalada ayaa waxaa la isagu yeeray 12 urur oo islaamiyiin oo iyaga dagaalka ka qey qaatay loona sameeyey gole shuuro ah oo ka kooban 88 xubnood. Maxkamadaha Islaamiga ah waxey ku lahaayeen tiradaas 21 xubnood. Isu taggan ayaa waxey doorteen Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu u noqdo hoggaamiye. Marka waad garan kartaa mas’uuliyadda Sh. Sharif waxey aheyd isu heynta ururaddan isu tagay iyo hoggaaminta guud ee waddanka. Shabaabka ayaa qeyb weyn ku lahaa in dagaaladu ay noqdaan kuwo lagu guuleysto, islamarkaana ay isbedel weyn ku sameeyeen qaab dagaalkii lagu yaqiinay soomaalida oo lama sheegin xasuuq soomaali ama beelo gaar ah. Arrintan ayaa dhalisay kalsooni in shacabka laga helo.

• Runtii Sh. Shariif si hagar la’aan ah ayuu ugu hagar baxay ulana yimid hoggaan suuban, lehna aragti dheer. Ha yeeshee dhowr arrimood oo is biirsaday oo ay ka mid yihiin, khibrad la’aanta guddiga intiisa kale, xirriirka Shabaabka iyo maamulka guud oo aan aad u wanaagsaneyn, sida lama filaanka ah oo ay guushu ugu timid iyo dhaqanka soomaalida ayaa keentay in ay fara badaan mudnaanta halka ku habboon. Sidoo kale siyaasad la’aanta ku wajahneyd la heshiisiinta DFKMG ah iyo dhaqanka shabaabka ayaa waxey intaba fursad siiyeen Ethiopia inay kaarkeeda la dagaalanka argagixisada miiska soo saaraan si fiicanna uu ugu gadmo.

• Si kastaba ha ahaateen Maxkamadihii meesha waa ka baxeen oo Sh Shariif iyo mas’uuliyiintii kaleba dibedda waddanka ayey yimaadeen. Qaladaadkii kalifay burburka Maxkamaddaha waxaa sii wehliyey in maanta uu Sh. Shariif Sh. Ahmed joogo Asmara oo aan aniga u heysto inay tahay khalad kale oo aasaasi ah. Waxaa intaas sii wehliso, maxkamadaha oo dhowaan is wada cesilay, ha yeeshee ay mas’uuliyiintoodu ay sidii hore ugu soo noqdeen iyagoon wax isbedel ah sameyn. Tan waxaa sii dheer inaan weli Maxkamadaha laga helin barnaamij cad oo ay u soo gudbiyaan ummadda soomaaliyeed oo ay kalsoonida ula soo noqdaan, kaasoo laga filayey inay isbedel buuxa oo dhan walba ah la yimaadaan, danta guud ee ummadda soomaaliyeedna ay ka hormariyaan danta gaarka ah ee Maxkamadaha. Waxaa la rabay inay caddeeyaan inay la midoobayaan soomaalida waddaniyiinta ah iyo aqoonyahanada soomaaliyeed, iyo inay la yimaadaan straatejiyad ay kula macaamilayaan caalamka intiisa kale gaar ah Mareykana iyo wadamada geeska Afrika.

• Haddaba markaan ariimahaas oo dhan aan eegay waxaan kula talin lahaa Sh. Shariif Sh. Ahmed inuu ka dhex baxo marxalladda siyaasadda soomaalida oo uu ka nasto tan iyo muddo inta laga helayo soomaali diyaar u ah inay si xallaal ah uga hadlaan mustaqbalka waddanka. Waxaana kula talin lahaa inuu ka soo tago Asmara oo uu yimaado waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo iyo Yemen.

6. Gunaanad.

• Qoraalkan kooban waxaan filayaa inaan si gaaban ugu soo koobay marxaladaha waddanka soo maray sanadkii ugu danbeeyey, anigoo isku dayey inaan meelo badan ifiimiyo, haddana waxaa hubaal ah in loo baahan yahay in daraasad dheer lagu sameeyo arrimaha soomaaliya oo si gaar ah qodob walba looga dodo, wax la iska wareysto, lana fiiriyo in xal loo heli karo arrimaa murugeysan ee soomaaliya. Sidaas daraadeed qoraalkan waa mid aan ugu talo galay inaan dood ku furo, bilowna u noqoto in soomaalida firkirkooda ay la wadaagaaan ummadda soomaaliyeed.

• Maxkamadaha Islaamka waqtigoodii dahabiga ahaa waa in la is weydiiyaa maxaa keenay in aan lagu nagaan. Waxaa jira sababo fara badan oo loo aaneyn karo burburkii Maxkamadaha oo iyaga ka bari yeelayo, haddana aniga ma qabo in sidaas looga haro, waayo, taariikhda waa lagu cimri qaataan, si loo saxo khaladaadkii jiray. Sidaas daraadeed waxaan soo dhoweynayaa in doodan la furo oo si dhab ah looga run sheego. Tusaale waxaa ugu filan, in la yiraahdo Mareykanka iyo Ethiopia waligoodba raalli kama noqdeen in diinta islaamka la isku xukumo. Ha yeeshee waxaa iyadana meesha ku jirto in la ogaa inay weligoodba raalli ka noqoneyn, sidaas daraadeed maxaa laga qabtay oo lagu yareyn karay khasaaraha. Su’aalaha la isweydiin karo ayaa waxaa ka mid ah ma la oran karay Maxkamadaha inay iibsadaan 275 xildhibaanada si danta guud ee soomaaliya loo gaaro? Tani waa iska soo dhex dhigid si dooda u bilaabato.

• DFKMG ah waa la ogaa intaan la dooran waxa soo socda, maxaan ka qabanay haddii aan soomaali nahay. Waxey ila tahay inaan mar walba nahay dad iyaga ku wanaagsan facil celiska oo markii wax dhacaan baan ka daba boodnaa. Haddase soomaalidu ma isu diyaarinoysaa mustaqbalka ka dib DFKMG ah waxa dhici doono, mise waxaa la leeyehay kuwaan ma socon karaan ee iyagaa iska baaba’aayo, Markey baaba’aanse maxaa noo diyaarsan. Waxaad moodaa hal adeyga Madaxweynaha inuu u suuro galiyey inuu marxalado badan u dhago adeygo, haddesse waxuu yiraahdaa si domoqraadi ah ayaan u tartamayaa 2009. Arrintan waxey ku tuseysaa aragtida dheeri haba qalafsanaatee in la gaaro. Tan kale oo isweydiinta leh waxey tahay DFKMG ah ma q***** baa lagu diidan yahay, mise is xasid iyo is inkirid baa lagu diidan yahay. Arritan waa lagu wareerayaa oo waxaad is leedahay maxaa keenay in Puntland aad looga taageero dowladda, haddiise Madaxweynuhua uu joogi lahaa Puntland oo uusan u tartami laheyn jagada Madaxweynenimo waxaa badnaan lahaa mucaaradkiisa uu ku leeyahay Puntlan. Si kastaba arrimaha waa is dhex yaacsan yihiin, oo dadka ku dooda Hawiye baa diidan DFKMG ah maxey ku fasirayaan Gedi, Gacmo dheere, Salad Jeelle, Dhimbil, iyo kuwa la mid ka ah ee ku jira DFKMG ah.

• Anniga aragtideyda waxaan u arkaa in Soomaalida aysan inteeda badan waxba isku oggoleyn, oo xaasidnimadu ay ka weyntahay wax walba, q*****kana loo kaashado marka wax la burburinayo. Weli ma arag beel inta isku timid wax isla meel dhigtay ku heshiisay, wanaag u horseeday shacabka, gobolada ay degen yihiin ka dhistay isbitaallo, skuulo iwm.

• Arrimahan oo dhan waxaa looga gudbi karaa hoggaan wanaagsan oo suuban fahmi kara meesha uu hiigsanayo, lana yimaado cadaalad iyo sinnaan. Habka keliya ee lagu heli karo arrintan waa in Qaramada Midoobay ay u codeeyaan in Soomaaliya la geliyo trusteeship waddankana la keeno ciidamo ka socda qaramada midoobay, maamulka UN kana uu dhiso haykalkii dowladnimo. Muddo la isla gartey ka dibna waddanka maamulkiisa loo soo celiyo Soomaalida.


Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

London E-mail:- Yarisow70@hotmail.com

: Wed 07/18/07 3:22PM
: zakariye
: zakayaanyo@gmail.com

: fikridayda waxa weeye in umada somaliyeed ay doortaan dantooda isla markaasina ay gartaan waxa uwanagaasan taasi oo noqo karta waxa ay iyaga doortaan waxaa ladhihi karaaa waxaasi oo dhan waysameeyeen umada somaliyeed waxaydoorteen dad ayaga u taliya kana taliya arimahooda kuna xukuma shareecada islam ka .
waxaa dhihi karaa in maxkamada ha ay ku yimaadeen danta umada somaliyeed fikradeyda waaad kafahmi kartaa waxa ay tahay waxaa weeye in umada somaliyeed uuu ilaah u soo celiyo waxi ay doorteen .
wasalaamu caalaykum warax matulaahi wabarakaatuh

>>
[ 1 ] [ 2 ] [ 3 ] [ 4 ] [ 5 ]



xaraash©gmail.com